ciidamo ka tirsan kuwa dowladda faderaalka soomaaliya ayaa waxa lagu soo waramaya in goordhaw qarax lagu la eegtay wadada xiriirisa magaalada muqdisho iyo degtmada balcad ee gobolka shabeelaha dhexe
wararka ayaa sheegaya in qaraxaani uu ahaa miino wadada oo dhinaceeda la galiyay islamarkaasna lala beegsaday ay ahaayeen ciidamo ka tirsan booliska soomaaliya gaar ahaana ciidanka haramcad oo marayay wadada.
Halka uu qaraxu ku haleelay ciidanka ayaa waxa lagu tilmaamay in ay tahay agagaarka warshadii hore ee xeyla bariise
Qasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawacba leh ayaa lasoo sheegaya in qaraxaan uu ka dhashay iyadoona wali aan si rasmi ah loo xaqiijin qasaaruhu inta uu la egyahay
dad goobo jooga yaal ah ayaa waxa ay inoo sheegeen in qaraxa uu ka dhashay qasaare dhaawacyo ubadan oo aysan si dhaba u xaqiijin karin\
wixii kusoo kordha halkaan kala soco

