Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in la fashiliyey weerar dagaalamayaasha Al-shabaab saaka waabarigii ay ku soo qaadeen deegaanada Bariire iyo Awdheegle oo ka tirsan gobolka Shabeellada hoose.
Taliyaha oo u waramayey Warbaahinta Qaranka ayaa qiray in al-shbaab dagaalkaasi lagu gaarsiiyay jab,isla markaana ay halkaasi kaga carareen meydad iyo qalab kale.
Jeneraal Odawaa ayaa sheegay in ay degan tahay xaaladda Bariire iyo Awdheegle,wuxuuna intaa ku daray in ciidamadu ay dabagal ku hayaan al-shabab iyo goobaha ee ay kaga suganyihiin deegaanada shabeelaha hoose

