Dowladda faderaalka Soomaaliya ayaa Faahfaahin ka bixisay diyaarad dhawaan laga celiyay in ay ku dagato goroon Diyaaradeed Oo Kuyaal gobolka mudug
Diyaarad rakaab ayaa waxa maalmo ka hor laga celiyay in ay ku dagato garoonka diyaardaha degmada garacad ee gobolka mudug
Waxaana la sheegay in amarka lagu celiayay diyaarada ay laheyd dowladda faderaalka gaar ahaana maamulka maareynta hawada soomaaliya \
Warar kala duwan oo is khilaaf ayaa kasoo baxayay diyaaradaasi la celiyay
Waxaana wararku qaar ay sheegayeen in ay diyaarada la celiyay laga lahaa dalka imaaraadka islamarkaasna ay saarnaayeen masuuliyiin ka tirsan maamulka puntland dowladdu ay ka horistaagtay in ay dagto
Wasiirka wasaarada duulista iyo hawada xukuumda soomaliya maxamed Cabdulahi salaad oomaar ayaa waxa uu sheegay in diyaarada laga celiayay garoonka diyaaradaha garacad ay celisay dowladdu sababta ay u celiyeen ay tahay sabbao amni
Wasiirka ayaa been abuur ku tilmaamay wararka sheegaya in dowladdu ay ogeyd in diyaarada laga leeyahay imaaraadka sababo siyaasadeedna loo celiyay
Wasiir oomaar ayaa sheegay in maamulka garoonka ay uso direen amni xumada iyo isku halen la,aanta halkaasi kajirtaa sidaasina ay ku diideen in diraayadu ay ku dagato garoonka
Wasiirka ayaa dhankale sheegay in ay hayaan sawiro miijinqaya cadeymaha sababta amini xumo ee ay u joojiyeen diyaaradaaasi
Arintaani ay dowladda soomaliya hawada uga celisay diyaarad laga leeyahay dalka imaaraadka ayaa waxa ay kusoo aadeysa xili wali ay taagan tahay xiisad dagaal oo ka dhax aloolsan dowladdaha soomaaliya iyo imaaraadka
Waxaana jirta in dowladda soomaaliya ay imaaraadka ku eedeeysay in ay soo faragalisay arimaha gudaha soomaaliya

