Dowladda Soomaaliya Oo Ka Hadashay Diyaarad Hawada Laga Kacelisay

0

Dowladda faderaalka  Soomaaliya ayaa Faahfaahin ka bixisay diyaarad dhawaan laga celiyay in ay ku dagato  goroon Diyaaradeed Oo Kuyaal gobolka mudug

Diyaarad rakaab ayaa waxa maalmo ka hor laga celiyay in ay ku dagato garoonka diyaardaha degmada garacad ee gobolka mudug

Waxaana la sheegay in amarka lagu celiayay diyaarada ay laheyd dowladda faderaalka gaar ahaana maamulka maareynta hawada soomaaliya \

Warar kala duwan oo is khilaaf ayaa  kasoo baxayay diyaaradaasi la celiyay

Waxaana wararku qaar ay sheegayeen in ay diyaarada la celiyay laga lahaa dalka imaaraadka  islamarkaasna ay  saarnaayeen masuuliyiin ka tirsan maamulka puntland dowladdu ay ka horistaagtay in ay dagto

Wasiirka wasaarada duulista iyo hawada xukuumda  soomaliya maxamed Cabdulahi salaad oomaar    ayaa waxa uu sheegay in diyaarada laga celiayay garoonka diyaaradaha garacad ay celisay dowladdu sababta ay u celiyeen ay tahay sabbao amni

Wasiirka ayaa been abuur ku tilmaamay wararka sheegaya in dowladdu ay ogeyd in diyaarada laga leeyahay imaaraadka sababo siyaasadeedna loo celiyay

Wasiir oomaar ayaa sheegay in maamulka garoonka ay uso direen amni xumada iyo isku halen la,aanta halkaasi kajirtaa sidaasina ay ku diideen in diraayadu ay ku dagato garoonka

Wasiirka ayaa dhankale sheegay in ay hayaan sawiro miijinqaya  cadeymaha sababta amini xumo ee ay u joojiyeen diyaaradaaasi

Arintaani ay dowladda soomaliya hawada uga celisay diyaarad laga leeyahay dalka imaaraadka ayaa waxa ay kusoo aadeysa xili wali ay taagan tahay xiisad dagaal oo ka dhax aloolsan dowladdaha soomaaliya iyo imaaraadka

Waxaana jirta in dowladda soomaaliya ay imaaraadka ku eedeeysay in ay soo faragalisay arimaha gudaha soomaaliya

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here