Khasaare Ka Dhashay Ciidamada Amisom Oo Dad Shacab ah Ku Jiiray Muqdisho

0

wararka naga soo gaaraya degamada howlwadaan ayaa waxa ay kusoo waramayaan in qasaare kala duwan uu ka dhashay gaari ay wateen ciidamada amisom oo  mooto bajaj ay la socdeen dad shacab ah  ku jiiray isgooska holwadaag ee muqdisho

warar ayaa sheegayaa in gaari ciidanka amisom uu jiiray mooto bajaj ay saarnaayeen laba haween ah iyo ruuxii wadadyay mootada

waxaana lagu soo waramayaa in uu ka dhashay qasaare kala duwan oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac

in la xaqiijiyay waxa shilkaasi waxa ku dhintay labadii haweenka aahaa ee mootada saarnaa ,waxaana la sheegay in dhaawac xoogan uu soo gaaray wadihii mooto bajaajta ,iyadoona dhawaaca wiilka in loo qaaday mid ka mid ah isbitaalada waaweyn ee kuyaala magaalada muqdisho

intaasi kadib ciidamo ka tirsan dowladda gaar ahaana ciidamada booliska degmada howlwadaag ayaa waxa la sheegay in ay kusooo bexeen dhacdadaani,waxaana la tilmamay in ciidanku ay iskudayeen in ay hor istagaan gadiidka ciidamada amisom balse ay waxa la sheegay in si xoog ah ay uga baxsadeen

gadiidka ciidamada amisom ayaa inta badan gadiidka dadka shacabka ay saaranyihiin ku jiira wadooyinka qaar ee muqdisho ,iyagoona inta badan iskaga baxsada marka ay falkaasi geeystaan kadib

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here