Madaxda Dowladda Iyo Dowlad Goboleedyada Oo Maanta Ku Shiraya Muqdisho Iyo Walaac Xoogan Laga Muujiyay

0

Iyadoo dhawaan uu madaxweynaha jamhuriyada faderaalka soomaaliya maxamed cabdulahi farmaajo uu ku baaqay in ay shir iskugu yimaanadaan madaxda dowladda iyo dowlad goboleedyada ayaa waxa haatan wararku ay sheegayaan in diyaargarow ugu dambeeyay uu socdo  oo ku aadan shirka  maanta sabti ah fumaya

Shirkaan oo ay iskugu imaanayaan dhamaan shanta madaxweyne ee dowlad goboleedyada ,gudoomiyaha Gobolka banaadir ,Ra’iisul wasaare Rooble Iyo Madaxweynaha jamhuuriyada

Shirkaan oo la filayo insaacadaaha soo socda uu ka furmo teendhada xerada afisiyooni ayaa waxa looga hadlayaa arimaha xakiran ee doorashooyinka dalka iyo sidii xal waara looga gaari lahaa

Waxyaabaha  ugu badan ee wacaala laga muujiyay shirka  maanta furmaya ayaa   waxaa ka mid ah  ajandaha shirka cida shir godoomineysa iyo dhinaca amniga cida sugeysa

Madaxweynayaasha puntland iyo jubbaland oo goorsiihoreysay aqbalay ka qeyb galka shirkaan  ayaa  dalbaday in qodobo dhowr ah ay u baahanyihiin in cadeeyo si ay shirka ugu qeyb galaan

Madaxweynayaasha jubbaland iyo puntland ayaa kasoo horjeestay in uu shirka shir gudoomiyo madaxweyne farmaajo kaasi oo ay sheegeen in uu waqtigiisa dhamaaday sharcina aysan aheyn in uu shir gudoomiyo

Sidookale hogaamiayaasha puntland iyo jubbaland ayaa dalbaday in amniga cidda sugeysa loo sheego

Intaasi kadib Kulan saacado badan qaatay oo ay yeesheen guddiga dhinaca amniga ah ee kala socda madaxda dowladda , dowlad goboleedyada   iyo   ayaa waxa ay soo saareen qodobo dhowr ah oo kusaanbsan sugida amniga shirka

Waxaana ka mid ah  In hoolka Teendhada oo shirku ka dhacayo  Amnigeeda ay la wareegaan  AMISOM.

In gudaha Teendhada aan lala geli karin askarta hubaysan ee wadata hubka muuqda.

In dhamaan madaxda Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada  ciidanka ay uga tagaan banaanka Teendhada Afisyooni.

Shirkaan ayaa dhowr jeer baaqday waxaana lagu wadaan in maanta uu qabsoomo

Beesha caalamka ayaana la sheegay in gacanweyn ay ka geysanayso qabsoomida shirkaani iyadoona la tilmaamay in cadaadi xoogan ay saartay madaxada dowladda  iyo dowlad goboleedyada dalka

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here