Rag hubaysan oo katirsan Al Shabaab ayaa saaka aroortii weeraro ayaa waxa la sheegay in weerar xoogan ay kula wareegeen saldhigyo ciidamada dowladda Federaalka ay ku lahaayeen gobolka Sh/hoose.
Sida ay wararku sheegayaan dagaal toos iyo qaraxyo ayaa waxa la sheegay in uu ku bilowday weerarku iyadoo wali lagu soo waramayo in dagaalku uu ka socdo degmada Awdheegle iyo deegaanka Bariire ee gobolka shabeelaha hoose.
ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in gaadiid walxaha qarxa lagasoo buuxiyay lagu weeraray laba saldhig oo ay ku sugnaayeen ciidanka dowladda kadibna waxaa la shhegay in ay xigtay weerar toos ah oo dhexmaray dagaalamayaasha al-shabaab iyo ciidamada Dowladda
Al-shabaab ayaa Sheegtay masuuliyada weerarkaan iyagoo sheegtay in qasaaro xoogan in ay gaarsiiyeen ciidamada dowladda islamarkaasna ay la wareegeen saldhigyo ciidanka dowladda ay ku sugnaayeen
Al-shabaab ayaa sheegtay in dhammaan wixii gaadiid ahaa ee saldhigyada yaalay ay laweeraray
Warka kasoo baxay al-shabaab ayaa intaas ku daraya in weerarka ugu xooggan uu ka dhacay Bariire, waxaana ay sheegeen in duullaanka ay qaadeen ujeedkiisu uu ahaa qabsashada Bariire halka Awdheegle ay sheegeen in ay ku qaadeen weerar arbushaad ah si ay isku gurmasho ugu diidaan ciidamada dowladda.
Al-shabaab ayaana si buuxda sheegay in ay ula wareegeen gacan ku heynta laba saldhig ayna dhabarka ka jebiyeen ciidamada dowladda ee uu Turkigu tababaray.
majirto wax war ah oo wali kasoo baxay dowladda oo ku aadan weerarka ialaa iyo hada kasocda degmada awdheegle iyo deegaanka bariire ee gobolka sh,hoose

