Al-Shabaab Oo La Wareegay Saldhiyo Ciidamada Dowladda Ay Kula Haayeen Shabeelaha Hoose

0

Rag  hubaysan oo katirsan Al Shabaab ayaa saaka aroortii weeraro ayaa waxa la sheegay in weerar xoogan ay kula wareegeen saldhigyo ciidamada dowladda Federaalka ay ku lahaayeen gobolka  Sh/hoose.

Sida ay wararku sheegayaan dagaal toos iyo  qaraxyo  ayaa waxa la sheegay in uu ku bilowday weerarku iyadoo wali lagu soo waramayo in dagaalku uu ka socdo  degmada Awdheegle iyo deegaanka Bariire ee gobolka shabeelaha hoose.

ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in gaadiid walxaha qarxa lagasoo buuxiyay lagu weeraray laba saldhig oo ay ku sugnaayeen ciidanka dowladda kadibna waxaa la shhegay in ay xigtay weerar toos ah oo dhexmaray dagaalamayaasha al-shabaab iyo ciidamada Dowladda

Al-shabaab ayaa Sheegtay masuuliyada weerarkaan iyagoo sheegtay in qasaaro xoogan in ay gaarsiiyeen ciidamada dowladda islamarkaasna ay la wareegeen saldhigyo ciidanka dowladda ay ku sugnaayeen

Al-shabaab ayaa sheegtay in dhammaan wixii gaadiid ahaa ee saldhigyada yaalay ay laweeraray

Warka kasoo baxay al-shabaab ayaa intaas ku daraya in weerarka ugu xooggan uu ka dhacay Bariire, waxaana ay sheegeen in  duullaanka ay qaadeen ujeedkiisu uu ahaa qabsashada Bariire halka Awdheegle ay sheegeen in ay ku qaadeen weerar arbushaad ah si ay isku gurmasho ugu diidaan ciidamada dowladda.

Al-shabaab ayaana  si buuxda sheegay in ay  ula wareegeen gacan ku heynta laba saldhig ayna dhabarka ka jebiyeen ciidamada dowladda ee uu Turkigu tababaray.

majirto wax war ah oo wali kasoo baxay dowladda oo ku aadan weerarka ialaa iyo hada kasocda degmada awdheegle iyo deegaanka bariire ee gobolka sh,hoose

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here