Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay Madaxda Soomaalida in aysan fursadd kale luminin islamarkaana ay qabtaan doorashadda,taasi oo qorshaha uu ahaa in la qabto bishii February sanadkaan 2021-ka.
War-saxaafadeed kasoo baxay Golaha amaanka amaanka Qaramadda Midoobay ayaa lagu sheegay , in warbixinta laga dhageystay Ergeyga qaramadda midoobay ee Qaramadda Jemes,ay aheyd in doorasho loo dhan yahay ay dan ugu jirto dhamaam Soomaalida.
Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Maxamed C/laahi Maxamed (Famaajo) ayaa waxa ku kordhay cadaadista tan iyo markii ay qabsoomi weyday doorashadii Febraayo sababtoo ah heshiis la, aanta ku saabsan sida codka loo qaadayo.
Maamuladda Puntland, iyo Jubbaland ayaa la sheegay in ay noqdaan caqabado laga gudbi waayay,madaama ay diideen shirar uu ku baaqay madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday.
Qodobada la isku hayo ee ku saabsan hanaanka doorashada waxaa ka mid ah dhismaha guddiga maareynta doorashada, xulista xubnaha guddiga ee maamulka la baxay Somaliland, iyo xiisadda ka taagan gobolka Gedo ee xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.
Siyasiyiinta iyo xubnaha Musharixiinta xilka Madaxweynaha ayaa ku eedeynayay Maxamed C/laahi Maxamed (farmaajo), oo doonaya markii labaad muddo xileed afar sano ah, inuu dib u dhigay doorashada si loo kordhiyo waqtiga,Madaxweynaha ayaa ku eedeeyay faragelinta shisheeye ee aan la magacaabin.
Goluhu wuxuu ugu yeeray dhinacyada inay xalliyaan arrimaha taagan iyadoo lagu saleynayo heshiis ay gaareen Sebtember 17-keedii,kaasi oo lagu saxiixay Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya,balse aan la dhaqan galinin.
Tani waxay ahayd rafcaankii labaad ee bishaan ay soo gudbiso hay’ada ugu awooda badan Qaramadda Midoobay. ee ku aadan waxqabadka abaabulka doorashooyinka.
12-kii Maarso, goluhu wuxuu ku booriyay dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada “inay abaabulaan doorashooyin xor ah, caddaalad ah, lagu kalsoonaan karo oo loo dhan yahay” iyadoo la raacayo heshiiskii Sebtember “dib u dhaca doorashadda.
Waxaa haatan socda kulamo aan loo kala kicin oo loogu hadlaayo arrimaha doorashada,waxaan Magaaladda Caasimadda ku sugan dhamaan madax Goboleedydda, waxa fashilmay shirar la isiuhgu keeni rabay dhinacyadda.
Sidoo kale waxaa socda dadaalo ay wadaan xubnaha beesha caalamka oo miiska wada-hadalka la iskugu keenayo dhinacyadda aan heshiiska aheyn ee Puntland, Jubbaland, iyo Madaxda Dowladda Dhexe sida Madaxweynaha muddo xilkeedkiisa uu dhaamaday ee Maxamed C/laahi Maxamed (farmaajo).

