Maleeshiyo Hubeysan Oo Gaari Xamuul Ah Ka Afduubtay Duleedka Magaalada Dhuusamareeb

0

Warar ka imaanaya gobolka galgaduud ayaa waxa ay kusoo waramayaan in maleeshiyo hubeysan ay dhac u geysteen gaari safar ah oo dhayno ah

Maleeshiyada gaariga dhacday ayaa waxa la sheegay in ay tabanayaan hanti horay looga dhacay

Waxaana haatan la sheegay in gaari safar ah ay ka afduubteen duleedka magalaada dhuusamreeb ee caasimada maamulka galmudug

Wararka ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa booliska maamulka galmudug ay ku bexeen siidii maleeshiyada gaariga afduubatay ay uga soo celin lahaayeen

Waxaana la sheegay in arintaasi aan lagu guuleysan kadib markii la sheegay in ciidanka booliska ay iska cabin xoogan kala kulmeen maleeshiada gaariga afduubatay

Wali lama soo warin in qasaare ka dhshay iska hor imaadka dhaxmaray ciidanka booliska iyo maleeyishada gaariga dhaynaha ka afduubtay duleedka magaalada dhuusa mareeb

Warar ayaa intaasi ku daraya in haatan arintaasi ay u dahqaaqeen xalinteeda odayaasha dhaqaan

Waxaana la sheegay in ay wadaan dadaalo lagu xalinayo shaqaaqada ka dhacday duleedka magaalada dhuusamareeb

Deegaanada gobolka galgaduud inta badan wax aka dhaca falal nuucani oo kala ah kuwaasi oo la xarriira aanooyin qabiil iyo arimo kale in wax laiskaga qabsado oo ay kala qabsadaan maleeshiyada wada daga  gobolkaasi galgaduud

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here