Wasaarada caafimaadka xukuumada faderaalka soomaaliya ayaa shaacisay xaaladiihii ugu dambeeyay ee dadkii uu soo ritay cudurka covid19
Waxaana wasaaradu ay sheegtay in la baaray ilaa 1072 qof 24 saac ee ugu dambaysay guud ahaan wadanka
Waxaana ay sheegtay in laga helay cudurka 128
Wasaarada ayaa tilmaantay halka ay kukala suganyihiin dadakaasi
Somaliland: 41
Puntland: 32
Jubbaland: 24
Hirshabelle: 18
Banadir: 8
Ddaka cudurka laga helay 68 waa rag ama lab sida wasaaradu ay shaacisay
Halka 60 ay yihiin dumar ama dhidig
Sidookale wasaraada caafimaadka ayaa shaacisay dadka cudurkaan u geeriyooday saacadiihiiaan dhaafnay waxaana ay sheegtay ilaa iyo ruux ay u dhinteen cudurka 12 kuwaasi oo ku kala sugan Somliland: 8, Banadir:3)
Waxaa cudurka kasoo boqgsaday 36 qof
Tirada Guud ee Laga Helay: 11,292
Bogsashada Guud: 4,795
Dhimashada Guud: 521
Wasaarada caafimaad ayaa sidii caadada aheyd dadka uga digtay qatarta cudurkaan kusoo laba kacleeyay dalka
Waxaana ay sheegtay in loo baahanayahay in dadku ay raacaan talaabooyinka bahda caafiamaaku ay soo jeedinayaan in afsaab ama face mask la xirto iyo in nadaafada lagu dadaalo

