warar ka imaanaya gobolka bakool ayaa waxa ay kusoo waramayaan in saakay weeraro xoogan oo qasaare geeystay ay ka dhaceen deegaano ka tirsan degmada xudur ee xarunta gobolka bakool .
wararka ayaa sheegaya in aroornimadii saakay ciidamo ka tirsan militariga soomaaliya iyo xubno ka tirsan dagaalamyaasha al-shabaab uu iska hor,imaad xoogan ku dhexmaray gudaha degmada xudur
Waxaana lasoo sheegayaa in qasaare kala duwan oo iskugu jira dhimasho dhaawac uu ka dhashay weerarkaasi
Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarka saakay ka dhacay degmada xudur ,waxaana ay sheegeen in qasaare ay ku gaarsiiyeen ciidamada dowladda
Al-shabaab wararka ay ku baayihiyaan barahooda interneetka waxa ay ku sheegteen in Yuusuf Shig-shigoow oo ahaa isku duwihii ciidamada Dowladda ee ku sugan degmooyinka Ceelbarde iyo Xudur ay ku dileen weerarkii saakay ay ka fuliyeen degmada xudur ee gobolka bakool.
Waxaana al-shabaab ay sheegeen in howlgalka qorsheysan oo ay sameeyeen ay ugu suurtagashay in ay dilaan ninkaani magaciisa lagu soo gaabiyay shig shigow kaasi oo al-shabaab ay sheegeen in uu ahaa isku duwihii ciidamada Dowladda ee ku sugan degmooyinka Ceelbarde iyo Xudur
Al-shabaab ayaa muddoooyinkii dambe sheegay in ay kordhiyeen weerar ay ka fuliyaan gobolada bay iyo bakool kuwaasi oo ay tilmaameen in sababtu tahay in ay ku suganyihiin masuuliyiin iyo ciidamo ka tirsan dowladda

