Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo maantay gaari ay lasocodeen ee damo ka tirsan dowladda lagu eegtay meel aan ka fogeyn wadada warshadaha ee gudaha magalaada caasimada ah ee muqdisho
wararka ayaa sheegaya in qaraxaani uu ahaa miino wadada dhinaceeda ladhigay oo lala beegsaday ciidamo ka tirsan dowladda kuwaasi oo marayay si la tilmaamay dhabarka dambe ee wasaarada gaashaandhiga gaar ahaana laamiga wadada warshadaha
Waxaana la sheegay in qaraxu uu haleelay gaari nuucisa lagu sheegay Hilix oo ay lasocdeen ciidamada
wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxaani uu ka dhashay khasaare kala duwan oo ikugu jira dhimasho iyo dhaawac
inta la xaqiijiayay laba qofood oo shacab ah ayaa waxa la sheegay in ay ku geeriyoodeen qaraxa kuwaasi oo wadada marayay
majirto war ah oo kasoo baxay dowladda oo looga hadlayo qaraxaan iyo qasaaraha ka dhashay qaraxaan goordhaweyd lala eegtay ciidamada dowladda
magaalada muqdisho ayaa mudooyinkii dambe waxa kusoo badanayay qaraxaya miinooyinka ah ee wadada hareerahrrda ladhigayo
waxaana dhowr jeer lala eegtay ciidamo iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda iyo dad shacab ahaa oo wadada iska marayay

