Ciidamada Dowladda Oo Howlgalo Qorsheysan Ka Fuliyay Gobolka bay

0

warar ka imaanaya deegaanada koonfur galbeed ayaa waxa ay kusoo waramayaa in ciidamo ka tirsan dowladda saacadiihii lasoo dhaafay ay howlgalo qorsheysan ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka bay

howlgaladaan ayaa waxa la sheegay in u jeedkiisu uu ahaa xaqiijinta amaanka iyo sidii dagaalamayaasha al-shabaab looga saari lahaa deegaano ka tirsan kuwa dowlad goboleedka koonfur galbeed uu ka arimiyo

waxaana la sheegay in howlgaladaani ay ciidamada dowladdu uga feliyeen inta u dhexeysa  magaalada beydhabo iyo deegaanka deynuunaay ee gobolka bay

saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda  oo howlgaladaan hogaaminayay ayaa waxa ay sheegeen in howlgaladaan ay ahayeen kuwa looga hortagayay weerarada al-shabaab ay ka fuliyaan wadada xiriirisa deegaanka deynuunaay iyo magaalada beydhabo ee gobolka bay halkaasi oo mudooyinkii dambe la sheegay in weeraro qorsheysan ay ka dhacayeen.

sidookale saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay in howlka ay qeyb ka heyd xaqiijinta iyo sugida amaanka waxaana ay ay tilmaameen in  inta uu howlgalku socday ciidamadu ay wadeen miino baaris

saraakiisha ciidamada dowladdu faahfaahin ka ma bixin in howlgalka dad iyo agabkale lagu soo qabteen iyo in kale balse waxa ay sheegeen in ay sii wadi doonan howlgalada ay ku xaqiijinayaan amaanka deegaanada koonfur galbeed gaar ahaan wadada xiriirisa deynuunay iyo beydhabo oo maalmihii dambe ka dhacayeen falal amni daro

ciidamada dowladda ayaa mudooyinkii dambe kordhiyay howlada kala duwan oo ay sameynayaan kuwaasi oo ay sheegeen in ay la beegsanayaan dagaalamayaasha al-shabaab

waxaana sidooakale jirta in ciidanka dowladdu ay howlgalada qaar ay u sameenayaan sidii ay amaanka ugu xaqiijin lahaayeen

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here