Wararka ka imaanaya dalka koonfur afrika ayaa waxa ay kusoo waramayaan in xalay kooxo bucad koonfur afrikaan ah ay gudaha dalkaasi ku dilay muwaadin soomaaliyeed oo ku ganacsanayay dalkaasi koonfur afrika.
Waxaana la sheegay in wiil dhaliyaro soomaali ah lagu dilay Magaalada Cape Town
Alle ha u naxariistee marxuumka ayaa waxa Magaciisa lagu sheegay Abdullahi Abdirahman Sheikh Ali isagoo xiliga la dilayay ku sugnaa Deegaanka Belhar oo ka tirsan Magaalada Cape Town Ee Dalkaasi Koonfur Afrika
wararka ayaa sheegaya in muwaadinka la dilay loogu tagay goobtiisa ganacsi islamarkaasna ay rasaas ku fureen rag hubeysan
Waxaana la sheegay in marxuunka ay Afar xabadood Wadnaha iyo qaarka sare ee jirkiisa ay ka haleeleen
Iyadoona wararku ay sheegayaan in marxuunka uu ugeeriyooday rasaastaasi lagu dhuftay
Waxaana la sheegay in goobta ay iskaga baxsadeen ragii burcadka ahaa ee ka dambeyay dilka muwaadinka soomaaliyeed

