Dowladda UK oo Sheegtay In Aysan Aqbali Doonin Doorasho Hal Dhinac ah

0

Dowladda Ingiriiska oo kamid ah Dowladaha si dhow ula socda siyaasadda Soomaaliya, ayaa ugu baaqday hogaamiyayaasha Soomaalida in miiska wada-hadalka isugu yimaadaan.

Qoraalka ay soo saartay Dowladda Ingiriiska ayaa loogu baaqay dhinacyadda Soomaalida in laga mira dhaliyo heshiiskii 17-kii Bishii September 2020-ka lagu gaaray Magaaladda Muqdisho.

Sidoo kale Dowladda Ingiriiska ayaa Sheegtay in ay taageeri doonto doorasho heshiis lagu wada yahay,islamarkaana aysan taageeri doonin doorasho hal dhinac ah.

Warka ka soo baxay Dowladda UK ayaa ku soo beegmay, xilli dowladda Soomaaliya ay maalmo ka hor uga digtay Beesha Caalamka in ay fara-gelin ku sameeyaan Arrimaha doorashooyinka dalka, kadib markii ay qoraallo kulul soo saareen qaar kamid ah safiirada Shisheeye.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here