Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax Miino oo goordhaweyd ka dhacay Magaaladda muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Jugta qaraxa oo meelo kala duwan laga maqlay ayaa ka dhacday meel ku dhow Hotel Oriyantal ee ku yaala wada u dhaxeysa Degmooyinka Shibis iyo Kaaraan ee Gobolka Banaadir.
Sida naloo xaqiijiyay qaraxa oo ahaa nooca dhulka lagu aaso ayaa lala eegtay gaari uu lahaa Taliyaha ilaaladda Deegaanka Xamar,balse uusan la soconin xiliga qaraxa uu dhacayay.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhaawacmeen 3-askari oo ka Tirsanaa Ciidamadda Ilaaladda Deegaanka Xamar,sidoo kalana uu jiro khasaare soo gaaray dad shacab ah.
Mudooyinkii dambe waxaa Magaaladda muqdisho kusoo batay qaraxyadda dhulka la galiyo ee lala eegtay gawaaridda Mas’uuliyiinta Dowladda Soomaaliya.



