Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dagaalyahanadda Kooxda Daacish ay u kala jabeyn laba garab,islamarkaana maalintii jimcihii ee shalay ay ku dagaalameen buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari.
In ka badan shan xubnood oo ka tirsan labada garab ee Daacish, ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dagaalkaas oo ka dhacay dhul buuraley ah qiyaastii 40KM u jirta deegaanka Dhaadaar.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in khilaafkaan uu salka ku hayo hogaanka Kooxda Daacish,oo dhinacyadda dagaaalamaya ay isku haystaan cidda beddeli doonta hoggaamiyaha Kooxda Cabdulqaadir Mu’min, kaas oo la il-daran xanuunka loo yaqaan Macaanka.
Loollanka iyo khilaafka soo jiitamayay ee sannadihii u dambeeyay ka dhex jiray Daacish ayaa sababay dagaallo kala duwan oo labada garab ee kooxda ku dhexmaray buuraleyda Calmiskaad.
Ilaa haatan ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Hogaanka Daacish oo loogu hadlaayo dagaalka ka dhacay buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari.

