Al-shabaab ayaa soo bandhigay diyaaradd nooca wax basaasa ah oo kusoo dhacday mid kamid ah Degmooyinka ay maamulaan ee Goboladda dalka Soomaaliya.
Diyaaradaan oo ah kuwa ay isticmalaan Mareykanka,islamarkaana laga hago meelaha fog-fog ayaa kusoo dhacday deegaanka Weelmaaroow oo hoos taga degmada Afmadoow ee Jubbada Hoose.
Xubno ka Tirsan Shabaab ayaa ka qeyb galay goobta lagu soo bandhigayay Diyaaradda oo ay ku rakibnaayeen kaamirooyinka wax basaas ah,fagaaraha Macallin Aadan Xaashi ee degmada Jilib.
Saraakiil ka Tirsan Shabaab ayaa sheegay in diyaaradda ay adeegsanayeen Dowladaha shisheeye,islamarkaana ujeedka uu ahaa in Mas’uuliyiinta Shabaab lagu beegsado.
Al-shabaab ayaa sidaan oo kale usoo bandhigay diyaaradaha nooca wax basaasa ah, kuwaasi oo ku dhacay degmooyinka ay maamulaan.






