madaxweyanaha jamhuuriyada faderaalka soomaaliya maxamed cabdulahi farmaajo iyo qaar ka mid ah dowlad goboleeyda dalka ayaa waxa maalintii labaad uu shir uga soconayaa teendhada afisiyooni ee guadaha magaalada caasimaada ah ee muqdisho .
shirkaan oo maanta galay malintiisii labaad ayaa waxa la sheegay in haatay uu uga sacdo gudaha xerada afisiyooni madaxweyne farmaajo, madaxweynayaasha maamulada galmudug, koonfur galbeed Hirshabeele iyo gudoomiyaha gobolka banaadir .
waxaana la sheegay in maanta shirka warbixino looga dahgeysabnayo guddiga farsamo ee arimaha doorashooyinka kuwaasi oo kusoo shiray magalaada beydhabo.
warar lagu kalsoonan karo oo ay heshay idaacada simba ay sheegayaan in dhinacale ay socdaan dadaalo ay wadaan saaxiibada beesha caalamka ee soomaaliya kuwaasi oo lasheegay in kulamo ay la leeyihiin madaxweynayaasha jubbaland iyo puntland islamarkaasna ay kala hadlayaan sidii ay shirkaasi uga qeyb gali lahaayeen.
Goors hore oo xalay ah ayaa waxa qeynaha warbaahinta dalka lagu wargaliyay in shirku uu baaqday islamarkaasna aysan kasoo qeyb galin balse ilo lagu kalsoonankaro ay sheegaya in shirka uu yahay mid socda oo maalintiisii labaad galay lana filayo in ay saacadaha soosocda ku biiraan madaxweynayaasha puntland iyo jubbaland oo maalintii koowad ee shalay shirka ka maqnaa

