Ciidamada booliska sida gaarka ah u tababaran ee haramcad ayaa waxa ay xalay howlgalo qorsheysan ka fuliyeen xaafado ka tirsan magalaada jowhar ee gobolka shabeelaha dhexe ,Waxaana howlgaladaan la sheegay in ay ahayeen kuwa u jeedkoodu uu ahaa xaqiijinta amaanka xaafadaha ay ka kooban degmada jowhar
wararka ayaa sheehgaya in howlgaladaan in ay sameeyeen ciidanka booliska haramcad iyadoona la tilmaamay in howlgalka lagu soo qabqabtay dad u badnaa dhalinyaro kuwaasi oo baaritaano ay ciidanku ku sameenayeen
waxaa kaloo ciidanku ay baarayeen gaadiidka kala duwan ee istimaalayay wadooyinka xaafadaha magaalada jowhar ee gobolka shabeelaha dhexe
Howlgalada ayaa waxaa la sheegay in uu hogaaminayay taliyaha ciidanka haramcad ee jowhar xabiib salaad xoreyste
Taliyaha oo warbaahinta lahadlay ayaa faahfaahin ka bixiyay ujeedka howlgalkaan ay sameeyeen ciidamada haramcad ee degmada jowhar,waxaana uu sheegay in amaanku uu yahay mid aaad u fiican islamarkaasna ay sameeyeen howlgalo ay ku xaqiijinayaan.
taliye xabiib ayaana carabka ku dhuftay in ciidanku ay marwalba u taaganyihiin u adeegida dadka shacabka ah iyo sidii ay mar walba uga shaqeyn lahaayeen sugida amaankooda
dhankalake taliyaha ayaa waxa uu tilmaamay in howlgalkaan ujeedkiisa ay qeybka aheyd siidii gacanta ay ugu soo dhigilahaayeen dadka isticmaala waxyaabaha maanka dooriya
Ugu Dambeyn Taliyaha Ciidanka Haramcad ee Jowhar Xabiib Salaad Xoreyste ayaa waxa uu shacabka ku dhaqan degmada jowhar uu ka dalbaday in ciidanaka dowladda ay la shaqeyaan sugida amaanka magaalada

