Ciidamada Dowladda Oo Howlgalo Ka Sameeyay Xaafado Ka Tirsan Muqdisho

0

Wararka naga soo gaaraya degmada hodan ayaa waxa ay kusoo waramayaan in Ciidamo ka tirsan dowladda ay saacadiihii lasoo dhaafay howlgalo balaaran ka fuliyeen xaafado ka tirsan degmada hodan ee gobolkani banaadir.

Howlgaldaan ayaa waxa ay wararku sheegayaan in sigaar ah ciidamadu ay ugu fuliyeen xafada taleex iyo xaafada kala oo ka tirsan degmada hodan gaar ahaana xaafada ku yaal wadada shaqaalaha

saraalkii ka tirsan ciidanka dowladda ee gobolkaani hogaaminayay ayaa waxa ay sheegeen in howlgalkaan u jeedkiisu ahaa rag hubeysan oo xilyada habeenkii ah  falal amni daro ka sameeya xaafadahaasi

saraakiisha ayaa  tilmaamaamay  in si gaar ah ay u bartilmaameedsanayeen rag mobilada iyo agabyada kale ka furta dadka shacabka ah habeenki  oo muddoyinkii dambe si aad ah looga cabanayay.

Waxaana laamaha amniga  dowladdu ay sheegeen in marnaba aan la aqbali karin in dadka shacabka ah la dhibaateeyo islamarkaasna dhacyo  iyo dil loogeysto

raga dhaca geeysta xiliyada habeenkii ah ayaa mudooyinkii dambe kusoo badanayay magaalada muqdisho ,waxaana la sheegay in xliyadii ugu dambeeyay ay dhac ka geeysanayeen xaafado ka tirsan muqdisho

Ciidamada dowladda ayaa dhowr jeer oo ay howlgalo sameeyeen ku guuleystay in ay gacanta kusoo dhigaan rag usoo baxay in dadka shacbka ay kafurtaan lacag , mobil iyo waxkasta oo ay wataan.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here