Wasaarada Caafimaadka Soomaaliya Oo Shaacisay Xaaladihii Ugu Dambeeyay Cudurka Covid19 Ee Laga Helay Dalka

0

wasaarada caafimaadka Xukuumada soomaaliya ayaa shaacisay tirada kiisaskii ugu dambeeyay ee caabuqa karona virus laga helay gudaha Wadanka
Wasaarada caafimaadka ayaana sheegtay in 24 saac ee ugu dambeyay cudurka covid-19 laga baaray ilaa 1075 ruux islamarkaasna laga helay ilaa iyo 129 qofood .

waxaana wasaaradu ay sheegtay in dadkaasi labaaray ay kala joogaan deegaanada soomaaliland ,banaadir , jubbaland ,puntland iyo hirshabeele
sidookale wasaarada ayaa shaacisay dadkii cudurkaan kasoo bogsaday ,waxaana ay sheegay in 34 qofood ay kasoo caafimaadeen cudurka safmarka ah ee covid-19.

ugu dambeyntii wasaarada ayaa xustay dadka saacadiihii ugu dambeeyay u geeriyooday ,waxaana ay tilmaanatay in la xaqiijiyay in 12 qof ay u geeriyoodeen cudurka karona virus gudaha soomaaliya.

siidii caadada aheyd wasaarada caafimaadka XFS ayaa dadka ugu digtay halista cudurkaan iyo faafintiisa
waxaana ay sheegtay in loobaahanyahay dadku ay qaataan talaabooyinka caafimaad ee lagu xakameynayo cudurka sida in aan laisku dhawaan in afsaab ama face maski la xirto

wasaaradu waxa ay ku celcelisay in wali qatarta cudurku ay badantahay dadka shacabka ahna ay qasabtahay in ay ka feejignaadaan
dhankale wasaarada ayaa tilmaantay in dhankiida ay wado wax kasta oo ay cudurkaan safmarka ah ee covid19 looga hortagayo iyadoona sheegtay in si habsami leh ay socto howlaha talaalka cudurka

wasaarada caafimaadka ayaa gobolada qaar ee dalka waxa ay sheegtay in ay gaarsiisay talaalka
waxaana xusid mudan in shalay talaalka cudurka covid19 shalay dowladdu gaarsiisay magaalada kismaayo ee deegaanada maamulka jubbaland

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here