Wararka naga soo gaaraya gobolka galgaduud ayaa waxa ay kusoo waramayaan in maantay israsaasey xoogan oo qasaare dhaliyay ayaa ka dhacday degmada guriceel ee gobolkaasi galgaduud.
Israsaaseyntaan ayaa waxa la sheegay in ay ka dhalatay kadib markii ciidanka booliska degmada guri ceel ay gaareen deegaan ay isku heystaan laba maleeshiya beeleed kuwaasi oo kuwaasi oo isku horfadhiya dhuldaaqsimeed ,waxsaana la sheegay in ay halkaasi israsaasey ku dhexmartay maleeshiyaadka hubeysan iyo ciidamada booliska degmada guriceel.
qasaare kale duwan oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lasoo warinayaa in ay ka dhalay israsaaseynta maanta ka dhacay gobolka galgaduud ,waxaana la xaqiijiyay in qaasre uu ka dhashay dhimashada hal qof tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen.
Wararka ayaana intaasi ku daraya in haatan ay taagantahay xiisad israsaaseytaan ka dhalatay

