Israsaaseyn Khasaare Geeystay Oo Ka Dhacay Deegaan Ka tirsan Galgaduud

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka galgaduud ayaa waxa ay kusoo waramayaan in maantay israsaasey xoogan oo qasaare dhaliyay  ayaa ka dhacday  degmada guriceel ee gobolkaasi galgaduud.

Israsaaseyntaan ayaa waxa la sheegay in ay ka dhalatay kadib markii ciidanka booliska degmada guri ceel ay gaareen deegaan ay isku heystaan laba maleeshiya beeleed kuwaasi oo kuwaasi oo isku horfadhiya dhuldaaqsimeed ,waxsaana la sheegay in ay halkaasi israsaasey ku dhexmartay  maleeshiyaadka  hubeysan iyo ciidamada booliska degmada guriceel.

qasaare kale duwan oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lasoo warinayaa in ay ka dhalay israsaaseynta maanta ka dhacay gobolka galgaduud ,waxaana la xaqiijiyay in qaasre  uu ka dhashay dhimashada hal qof tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen.

Wararka ayaana intaasi ku daraya in haatan ay taagantahay xiisad israsaaseytaan ka dhalatay

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here