Kolonyo galbineysay madaxweyne maxamed cabdulahi farmaajo ayaa hada wax ay gudaha u galeen teendhada afsiyooni oo halka la filayo in goordhaw uu ka furmo shirka madaxda dowladda iyo dowlad goboleedyada
shirkaan waxaa la sheegay in diirada lagu saarayo qodobo dhowr ah oo ku saabsan armaha doorashada iyo sidii loo hirgalin laha iyo dhameystirka heshiisyo horay loo gaaray
qodobada ugu adag ee maannta miiska saaray waxa ka mid ah ciidamada dowladdu ay u daabuleyso gobolka gedo waxaana la filayaa in arintaan ay ku dhagaan qaar ka mid ah dowlad goboleedyada
muuqaalo hordhac ah oo laga soo duubay kolanyada madaxweynaha ayaa muujinayay ciidamada koofi casta iyo kuwa amisom oo madaxweynaha usoo galbinayay xerada afisiyooni.
masuuliyiin dhowr ah ayaa wali soo gaarin xarunta ciidamada cirka ee afisiyooni oo goordhaw shirku uu ka furmayo ,waxaana lagu wadaa in masuuliyiinta dhiman ay saacadaha soo socda gaaraan halkaasi si shirka ay uga qeyb galaan

