Warar ka imaanaya Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya In ciidamo ka Tirsan kuwa Maamulka Galmudug in ay Gadood ka sameeyeen Magaaladaa Cadaado
Ciidamada Gadoodka ka sameeyay Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa la sheegay in ay u Ruqaansadeen dhanka Magaalada Galinsoor ee isla Gobolka Galgaduud
Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada Gadoodka sameeyay in ay ahaayeen Ilaalada Madaxtooyada dowlada Goboleedka Galmudug
Dhanka kale Wali wax War kama soo bixin Maamulka Galmudug ay kaga Hadlayaan ciidamada Gadoodka ka sameeyay Magaalada Cadaado

