warar kala duwan ayaa kasoo baxaya shil qasaare geeystay oo xalay ka dhacay isgooska siinaay ee magalaada muqdisho
shirlkaan ayaa waxa la shheegay in uu yimid kadib markii uu gaari xamuul oo badeeco waday uu fariin goostay islamarkaasna uu jiiray dad mooto bajaaj saarnaa oo wadada marayay
warar ayaa sheegaya in shilkaan uu ka dhacay isgooska siinaay dhica degmada boondheere ,waxaana la tilmaamay in gaariga xamuulka ah ee fariinka goostay uu ahaa mid xawaare ku socday iyadoona la sheegay in darawalka uu gaariga bareegiiska uu lugta lawayay islamarkaasna uu gaariga xakameyn kari waayay
Qasaare kala duwan oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo waramayaan in uu ka dhashay shilkaani gaari ee xalay ka dhacay magalaada muqdisho gaar ahaana isgooska siinaay
Waxaana la sheegay in laba qofood ay ku geeriyoodeen shilka halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo loo la cararay qaar ka mid ah isbitaalada ku yaal caasimada
Wararka ayaa intaasi ku daraya in shirkaasi kadib goobta uu shilku ka dhacay uu dab xoogan qabsatay dabkaas oo la tilmaamay in uu qabsaday gaariga xamuul ka ah oo markaasi waday badeecooyinka kala duwan si timid iyo waxyaabo kale
shilkaan ayaa ahaa mid naxdin lahaa waxaana ,shilaalka nuucani oo kale ah ay yihiin mid dhif iyo naadir ku dhaca iyadoona loo sababeyo inta badan in ay dhacaan shilalka nuucaan ah gaaraadirada oo si xowli ah loo ka xeeyo

