Qaar ka mid ah midowha musharaxiinta ayaa waxaa la filyaa in ay magalaada miqdisho kulan kula qaataan madaxweynayaasha dowlad goboleedyada puntland iyo jubbaland oo ku sugan gudaha magaalada.
kulankaan ay wada yeelanayaan Midowga musharaxiinta iyo Madaxweynayaasha puntland iyo jubbaland ayaa waxaa la sheegay in looga hadlayo arimo dhowr ah oo ku saabsan xaalada siyaasadeed ee dalka gaar ahaan arimaha doorashooyinka
kulanyaa waxa la filaya in uu ka dhaco xeyndaabka Xalane ee Muqdisho ,Waxaana si gaar ah diirada looga saarayaa arimaha cakiran iyo xal u helida jahawareerka siyaasaddeed ee dalku ka oo ay musharxiintu nsheregeen in dalka uu galiyay madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday ee Farmaajo.
warar sheegaya in in kulanka looga hadlidoono siidii musharaxiinta iyo saamileyda siyaasadeed ay uga qeybgali lahaayeen shirarka looga hadalyo islamrkaasna lagu xalinayo khilaafaadka arimaha doorashooyinka dalka
Madaxweynayaasha maamulada puntland iyo jubbaland ayaa ku sugan magaalada muqdisho iygoona u yimid in ay ka qeyb galaan shir ay iskugu imaanayaan madaxda dowladda iyo dowladda goboleedyada dalka shirkaasi oo ladoonayo in lagu xaliyo khilaafaadka hareeyay doorashada dalka
waxaana xusid mudan in shirkaan aan la shaacin waqtiga rasmiga ah ee uu furmayo balse la sheegay in uu ka dhacayo muqdisho

