iyadoo maalinta bari ah loo balansanayahay dhageysiga dacwada bada ee u dhexeysa soomaaliya iyo kenya ayaa waxa lagu soo waramayaan in kenya ay qorsheynayso in aysan ka qeyb galin dacwadaasi
Warbaahinda kasoo baxa gudaha dalka kenya ayaa waxa ay qorayaan in dowladda kenya aysan qabeyb galin doonin dacwada bada ,waxaana ay sheegeen in ay u baahanyihiin in dib loo dhigo dacwada bada
sababta ay kenya u dalbaneyso in dib loo dhigo dacwada ay wararku waxa ay tilmaamayaan in kenya ay ogaatay in dacwada looga guuleeysanayo ay u badantahay islamarkaasna aysan rabin in ay ka qeyb gasho dac wadaasi.
warar hoose ayaa waxa ay sheegtay in kenya damacsantahay in dacwada bada dib loo dhigo tan iyo inta marxalada dalka ay dhan u dhaceyso islamarkaasna laga dooranayo madaxweyne cusub iyadoo ku raja weyn in madaxweyne cusub oo mushaxiinta ah in uu kusoo boxo
sidookale waxa la sheegay in kenya ay ka walaacsantahay qarar ay horay u diideen xildhibaandii kumeel gaar ka ahaa ee dowladda soomaaliya oo ay rabtay in dacwada ay la timaado balse laga diiday.
Wafdi dowladda soomaaliya ku matalaya dacwada ayaa iyagu goor horeyba siitagay halka ay dacwadu bari ka furmeyso ee magaalada hague ,waxaana ay sheegeen in ay doonayaan in dacwada la dhageysto islamarkaasna aysan aqbali doonin in dib loo dhigana dacwada.

