Wararka naga soo gaaraya deegaanada puntland ayaa waxa ay kusoo waramayaan in talaalka cudurka covid19 todobaadka dambe lasoo gaarsiinayo deegaanada puntland ,waxaana la sheegay in magaalada garoowe ay noqoneyso halka ugu horeya ee laga bilaabayo talaalka cudurka karoona sida laga soo xigtay masuul ka tirsan wasaarada caafimaadka puntland.
Agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka Maamulka puntland ayaa waxaa laga soo xigtay in uu sheegay in talaalka cudurka covid19 ee la keenayo deegaanada puntland uu ku diyaarsan yahay magaalada nairobi islamarkaasna todobaadka dambe uu si rasmi ah uu usoo gaarayo Magaalada garoowe
waxaana la sheegay in ku dhawaad 300,000 oo talaalka covid19 in la qorsheeyay in lasoo gaarsiiyo deegaanada puntland islamarkaasna la filayo in 24-25 bishaan maarso in lasoo gaarsiiyo.
xanuunka covid19 ayaa mudooyinkii dambe fara ba,an ku hayay gayiga soomaaliya ,mana jirin wax talaal ah oo ilaa iyo hada lasoo gaarsiiyay deegaanada soomaaliyeed iyadoona ay xusid mudantahay in talaalka cudurka covid19 lasoo gaarsiiyay wadamo badan oo afrikaan ah

