Qaramada Midoobe Oo Madaxda Dowladda Soomaaliya Ka dalbaday In La Qabto Doorasho

0

Golaha Amaanka qaramada midoobe oo kulan yeeshay jimcihii shalay ayaa waxa ay ka hadleen arimo badan oo ku saabsan xaalada ka kiran ee soomaaliya ,waxaana ay warkasoo saareen arimaha doorashooyinka soomaaliya oo muran xoogan uu hareeyay.

Qaramada midoobe ayaa waxa ay sheegtay in loo baahanayhay in doorasho xor iyo xalal ah dalka laga qabto islamarkaasna ay qasabtahay in sida ugu dhaqsiyaha badan  dalka laga hirgaliyo doorasho

Madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa waxaa qaramada midoobe ay ugu baaqday in ay qabtaan doorasho ayna ka heshiiyaan khilaafaadka arimaha doorashada waqtikalana aan la lumin.

golaha amniga waxa uu ka digay in dib kale uu ku yimaado doorashada oo wartidheeya ah uu ka lumo  umada soomaaliyeed  iyadoona lagu

Beesha caalamka ayaa madaxda dowladda xilka heysa iyo maamul goboleedyada mudooyinkii dambe ku cadaadineysay in la qabto doorasho aan waqti badan qaadan.

Waxaana golaha amaanka qaramada midoobe uu walaac xoogan ka muujiyay xalaada soomaaliya oo ay tilmaameen halis badan ay sii galayso marka la fiiriyo dhanka amniga gaar ahaana dhinacyada dagaalada al-shabaab iyo in ciidamada dowladda soomaaliya ay la wareegaan amaanka guud ee dalka

intaasi kadib dood dheer waxa golaha amaanku uu  muddo kordhin usameeyeen ciidamada howlgalka midowga afrika ee ku sugan gudaha soomaaliya

Muddo hal sano oo dheeriya ah ayaana  waxaa la sheegay in golaha amaanka  qaramada midoobe ay u  kordhiiyeen  ciidamada amisom ee nabad ilaalinta u jooga soomaaliya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here