Golaha Amaanka qaramada midoobe oo kulan yeeshay jimcihii shalay ayaa waxa ay ka hadleen arimo badan oo ku saabsan xaalada ka kiran ee soomaaliya ,waxaana ay warkasoo saareen arimaha doorashooyinka soomaaliya oo muran xoogan uu hareeyay.
Qaramada midoobe ayaa waxa ay sheegtay in loo baahanayhay in doorasho xor iyo xalal ah dalka laga qabto islamarkaasna ay qasabtahay in sida ugu dhaqsiyaha badan dalka laga hirgaliyo doorasho
Madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa waxaa qaramada midoobe ay ugu baaqday in ay qabtaan doorasho ayna ka heshiiyaan khilaafaadka arimaha doorashada waqtikalana aan la lumin.
golaha amniga waxa uu ka digay in dib kale uu ku yimaado doorashada oo wartidheeya ah uu ka lumo umada soomaaliyeed iyadoona lagu
Beesha caalamka ayaa madaxda dowladda xilka heysa iyo maamul goboleedyada mudooyinkii dambe ku cadaadineysay in la qabto doorasho aan waqti badan qaadan.
Waxaana golaha amaanka qaramada midoobe uu walaac xoogan ka muujiyay xalaada soomaaliya oo ay tilmaameen halis badan ay sii galayso marka la fiiriyo dhanka amniga gaar ahaana dhinacyada dagaalada al-shabaab iyo in ciidamada dowladda soomaaliya ay la wareegaan amaanka guud ee dalka
intaasi kadib dood dheer waxa golaha amaanku uu muddo kordhin usameeyeen ciidamada howlgalka midowga afrika ee ku sugan gudaha soomaaliya
Muddo hal sano oo dheeriya ah ayaana waxaa la sheegay in golaha amaanka qaramada midoobe ay u kordhiiyeen ciidamada amisom ee nabad ilaalinta u jooga soomaaliya.

