Dowlada ingiriiska ayaa baaq horleh u dirtay madaxda dowladda iyo xubnaha musharaxiinta in ay sii wadaan wadahada lagu doonayo in dalka ay kaga dhacdo doorasho
safiirka cusub ee dowladda ingiriiska kate foster fadhindoonta soomaaliya ayaa wax ay ka warbixisay kulan asaacadiihii aan soo dhaafnay ay la qaadatay xubnaha xilka doonka ee midowga musharaxiinta
waxaana ay sheegtay in kulan ay la qaadatay uu ahaa mid si wanaagsan ku soo dhamaaday islamrkaasna ay ku faraxsantahay in ay la kulan musharaxiinta u tartamaya xilka madaxweynaha jamhuuriyada faderaalka soomaaliya
safiirka ayaa waxa ay xustay in dowladda uk ay si aad ah u lasocoto dhaqdhaqaaqa iyo wadahadalada ay yeesheen musharaxiinta iyo xukuumada soomaaliya iyadoona sheegtay in uk ay ku baaqday in aan la joojin kulamada nuucaasi oo kale islamarkaasna loo baahanyahay in la wado kulamada inta doorasho laga gaarayo
Sidookale safiirka cusub ee dowladda ingiriiska u fadhisa soomaaliya waxa ay sheegtay ay dowladda ingiriisku ay maqsho wadahada musharaxiinta iyo madaxda dowladda kuwaas oo lagu doonayo in doorasho ay dalka ka qabsoonto,waxaana ay sheegtay in uk ay bogaadineyso in wada hadalada lawadio si doorasho u dhacdo
waxaa mudooyinkii dambe taagnaa muran iyo khilaaf dhanka doorashada ah iyadoo midowga musharxiinta ay madaxda dowladda ka dalbanayeen in la qabto doorasho oo aan kusiga lasika fadhin

