Dowladda Oo Sheegtay In Howlgalo Ka Dhacay Shabeelaha Hoose Lagu Soo Qabtay Xubno Al-Shabaab Ah

0
Warkasoo baxaya dowladda faderaalka ayaa waxa faahfaahin looga bixiyay howlgalo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gobolka shabeelaha hoose,howlgaladaasi oo ay fuliyeed ciidanka dowladda ee sida gaar ka ah utababaran.
Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ay ka sameeyeen degaank katirsan Gobolka shabeelaha hoose ayaa waxa la sheegay in lagu soo qabtay dagaalamayaal  katirsan Al-Shabaab
degaanada ciidamada dowladda  howgalka ay ka sameeyeen ayaa la tilmaamay in ay ka midyihiin ,maguurto, Gumarrey, Kaxarrow, Doonka weynow, Doonyarow, Cadeyley, Lafagaale, Cumar Dheere oo dhamaantood ka tirsan gobolka shabeelaha hoose.
inta howlgalka uu socday ciidanka dowladda ayaa waxa la sheegay in  guri guri ay ubaarayeen guryaha degaanada howlgalka laga fulinayay  iyadoo warkasoo baxay dowladda lagu xusay in ay  kusoo qabteen 18-xubnood oo  ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab kuwaas oo dowladdu sheegtay in  ragaani la qabrbtay ay al-shabaabb uqaabilsanaayeen  miinooyinka lagu  aaso inta udhexeeyso degmada afgooye iyo degaanka tixsiile ee
gobolka shabeelaha hoose sida warbaahinta ay  usheegeen saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee howlgalka hogaamineeysay

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here