Warkasoo baxaya dowladda faderaalka ayaa waxa faahfaahin looga bixiyay howlgalo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gobolka shabeelaha hoose,howlgaladaasi oo ay fuliyeed ciidanka dowladda ee sida gaar ka ah utababaran.
Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ay ka sameeyeen degaank katirsan Gobolka shabeelaha hoose ayaa waxa la sheegay in lagu soo qabtay dagaalamayaal katirsan Al-Shabaab
degaanada ciidamada dowladda howgalka ay ka sameeyeen ayaa la tilmaamay in ay ka midyihiin ,maguurto, Gumarrey, Kaxarrow, Doonka weynow, Doonyarow, Cadeyley, Lafagaale, Cumar Dheere oo dhamaantood ka tirsan gobolka shabeelaha hoose.
inta howlgalka uu socday ciidanka dowladda ayaa waxa la sheegay in guri guri ay ubaarayeen guryaha degaanada howlgalka laga fulinayay iyadoo warkasoo baxay dowladda lagu xusay in ay kusoo qabteen 18-xubnood oo ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab kuwaas oo dowladdu sheegtay in ragaani la qabrbtay ay al-shabaabb uqaabilsanaayeen miinooyinka lagu aaso inta udhexeeyso degmada afgooye iyo degaanka tixsiile ee
gobolka shabeelaha hoose sida warbaahinta ay usheegeen saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee howlgalka hogaamineeysay

