Waxaa maalinta jimcaha ah ee soo socota lagu wadaan in kulan ay yeelanaya golaha amaanka ee qaramada midoobe markale looga hadlo xaalada soomaaliya ,waxaana la xasustaa in dhamaadkii bishii febraayo ee ina dhaaftay uu golaha amaanka qaramada midoobe uu kulan ka yeeshay marxaladaha ka jira soomaaliya
wargeys caalami ah oo lagu magacaabo Foreign Policy ayaa shaaca ka qaaday in Fadhiga golaha amaanka qaramada midoobe ee jimcaha ay yeelanayaan ay uga hadlayaan xaalada siyaasada soomaaliya gaar ahaana arimaha doorashada
kulan golaha amaanka qaramada midoobe ayaa waxa la sheegay in looga hadlayo arimo badan oo ay ka mid yihiin xalaado ka jira koonfurta suudaan , itoobiya iyo mar xalado kale
waxaana la sheegay in xaalada soomaaliya si gaar ah loo dul istaagi doono iyadoona la dhageysan doono warbixino laga soo diyaariyay xaalada soomaaliya ay hada ku jirto iyo waxyaabaha ka hirgalay in dalka ay doorasho ka dhacdo .
wakiilka qaramada midoobe ee soomaaliya mr. james swan ayaa waxa la filaya in uu golaha u jeediyo warbixinta uu kasoo diyaariyay marxalada ay kujirto soomaaliya iyo dadaaladii socday ee dhanka arimaha doorashada soomaaliya .
Sidookale waxa la filayaa in wakiilku uu ka warbixiya xaalada dhanka amniga iyo siyaasada soomaaliya ee haatan.
saaxiibada beesha caalamka ayaa dadaalo mudooyinkii dambe ku bixinayay arimaha doorashada soomaaliya ,waxaana muuqatay cadaadis ay saarayeen madaxda dowladda iyo dowladda xubnha ka ah oo ku aadan in laga heshiiyo aramaha doorashada

