Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax qasaare kala duwan dhaliyay oo goordhaweyd ka dhacay xaafad ka tirsan magaalada muqdhso
qaraxaan ayaa waxa ay wararku sheegayaan in uu ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso oo lala eegtay masuuliyiin ka tirsanaa maamulka gobolka banaadir
wararka ayaa sheegaya in qaraxu uu si gaar ah uga dhacay degmada kaaraan gaar ahaana garoonka qoob dooro oo halkaasi ku yaal.
khsaare kala duwan oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lasoo warinayaa in qaraxa uu ka dhashay kadib markii la sheegay in qarax lala eegtay gaari uu lahaa maamulka gobolka banaadir oo sida la sheegay makara foono ay ku xirnaayeen waxaana xiligaas gaarigu uu waday olale wacyigalin ah oo ku saabsan khatarta faafida cudurka covid19
inta la xaqiijaiyay waxa qaraxa ku geeriyooday hal ruux oo ahaa darawalkii gaariga qaraxa lala beegsaday ka xeynayay
sidookale qaraxaan goordhaw ka dhacay garoonka qoob dooro ee degmada kaaraan waxa ku dhaawacmay sadax askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda sida wararku ay sheegayaan
wixii kusoo kordha halkaan kala soco

