warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Khasaare kala duwan geeystay oo xalay ka dhacay maqaayadda Luul Yemeni ee ku taala degmada Xamar jajab ee gobolka Banaadir.
Qarax oo ahaa mid Mooto loo adeegsaday ayaa waxa la sheegay in mootada lagu dhuftay albaab hore maqaayada luul yamani oo ku taala wadada hormarta dakada weyn ee magaalada muqdisho
waxaana qaraxaan ka dhashay qasaare kala duwan ooiskugu jira dhimasho iyo dhaawac
Afhayeenka ciidanka Booliska Gaashaanle Sadiiq Aadan Cali oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa u sheegay in qaraxa uu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh,isla markaana ay ku dumeen guryo maqaayadda ka ag dhawaa .
wararka ayaa sheegaya qasaaruhu in taasi ka badan islamrkaasna ay dhimashadu tahay ilaa iyo 20 qofood walow afhayeenka ciidanku uu sheegay in warka saxda ah laga qaadan karo laamaha amniga.
dhankale dagaalamayaasha al-shabaab oo warkasoo saaray qaraxa ayaa waxa ay sheegeen in qaraxaasi ay la beegsadeen saraakiil ka tirsanaa ciidanka dowladda
Waa markii labaad oo Qarax khasaaro dhaliyay lala beegsanayo maqaayadda Luul Yemeni degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir.
waxaana qaraxaan kii ka horeyay uu ahaa mid qof isisoo miidaamiyay oo waxyaabaha qarxa isku soo xiray uu isku qarxiyay maqaayada luul yamani

