Mucaaradka oo Soo Bandhigay 4-qodob oo ay hor dhigeen Raisul Wasaare Rooble

0

Midowga Musharixiinta u taagan Xilka Madaxweynaha Soomaliya ayaa ka hadlay sababaha fashiliyay shirkii xalay ay la yeesheen raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Hogaamiyaha xisbiga Wadajir,oo  ka tirsan Golaha musharaxiinta Sooomaaliyeed C/raxmaan C/Shakuur Warsame ayaa soo bandhigay qodobada looga hadlay kulankii ay xalay la qaateen RW Somalia Maxamed Xuseen Rooble oo fashil ku dhamaaday.

1-In madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday uu qoro dikreeto uu ku cadaynayo in masuuliyadaha iyo go’aanada amniga iyo doorashooyinka uu faraha kala baxo.

2- Si loogu kalsoonaado amaanka dalka iyo kan doorashooyinka in ciidanka laga saaro siyaasada, lana bedelo ama ugu yaraan shaqada laga joojiyo taliyayaasha ciidanka ee qaybta ka ahaa weerarkii 19 Febraayo, kuwa cusubna laga saxiixo in ay siyaasada faraha kala baxaan.

3- In la furo masaaxada siyaasada oo aan cidna idan looga qaadan kulamada, dibadbaxyada, abaabulka kale ee ololaha doorashooyinka, warbaahinta qarankana loo sinnaado.

4-In la cadeeyo ka qaybgalka Midowga ee wadahalada doorashooyinka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here