Faah-faahin:-Wariye Jamaal Faarax aadan oo Caawa Lagu Dilay Magaaladda Gaalkacyo

0

Kooxo hubeysnaa ayaa caawa Woqooyiga Magaaladda Gaalkacyo dhanka Maamulka Puntland waxa ay ku dileen Ala Ha u Naxariistee Wariye Jamaal Faarax aadan, oo kamida ahaa wariyayaasha Magaaladda gaalkacyo.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deeganka Kooxo bastooladdo ku hubeysnaa ayaa fuliyay dilka Marxuumka,waxayna ka baxsadeen goobta uu dilka ka dhacay.

Dhanka kale Taliyaha qeybta booliska Gobolka Mudug ee Puntland Korneyl Muumin Cabdi Shire ayaa xaqiijiyay dilka Wariye Jamaal Faarax aadan

“Marxuumka waxaa u yimid isaga iyo nin kale xilli ay horfadhiyeen goob meherad ganacsi ah oo marxuumku lahaa waxaa u yimid labo nin,kadibna waxay ka codsadeen alaab in laga gado kadibna markii uu kor u kacay,una dhaqaaqay dhinaca meheradda si uu wax uga soo iibiyo labada nin,waxaa mar qur ah rasaasta bistooladaha laga rido ku boobay labadaas qof oo ahaa kuwo isaga dhigay dad raba meherada marxuumka inay wax ka iibsadaan”,ayuu yiri Taliyaha qeybta booliska Gobolka Mudug ee Puntland Korneyl Muumin Cabdi Shire.

Sidoo kale dhacdadaas waxaa dhaawac kasoo gaarey Nin magaciisa la yiraahdo Dhagdheer Tarabi oo marxuumka la joogay meheradiisa oo ah goob ganacsi oo sandaqad ah.

Wariye Jamaal Faarax aadan ayaa ahaa Wariyihii Gaarka ahaa Madaxweweynihii Hore ee Soomaaliya Ala Ha u Naxariistee C/laahi Yuusuf Axmed.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here