Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ ayaa ku dhawaaqday in Dacwadda badda ee u dhaxaysay Somalia iyo Kenya inay dhacayso 15 March.
Fadhiga Dacwadda oo ka qabsoomaya Hoolka The Peace Palace ee Hague saacadu markay tahay 3:00 Galabnimo, ayaa waxaa ka qayb galaya xubno ka tirsan Garsoorayaasha Maxkamadda, halka inta kalana ay Video uga qayb galayaan.
Wakiiladda dhinacyadda Dacwadda u dhaxayso waxay iyaguna noqon karaan Goobjoog ama Video ayeey uga qayb gali karaan.
Diblomaasiyiinta, Wariyayaasha iyo Dadwaynaha waxay dhagaysiga Maxkamadda kala socon karaan Bogga Qaramadda Midoobay.


