Dowladda Uganda Oo Shaacisay In Ciidamo Horleh Ay Usoo Direyso Soomaaliya

0

Dowladda Dalka Uganda ayaa waxa sheegtay in ciidamo cusub oo ka mid noqonaya kuwa amisom ee ka  jooga gudaha soomaaliya ay markaan usoo direyso soomaaliya

dowladda uganda ayaa shaacisay in ciidamadaan oo ahaa kuwa ka haray ciidamadii ay horay ugu soo dirtay soomaliya ay hada kusoo dareyso ciidamo horleh gudaha soomaaliya si ay uga  qeyb-qaataan  howl-gallada ciidamada AMISOM.

waxa ay uganda sheegtay in ilaa iyo 100 askari ay usoo direyso soomaaliya kuwaasi oo ka mid noqonaya ciidamada nabad ilaalinta midowga afrika.

Ciidamadaan oo katirsan  qaybta 31-aad ee ciidamada Difaaca Uganda ayaa waxa la sheegay in lagu waday in soomaaliya ay gaaraan bishii April ee sanadkii 2020, balse uu dib dhac ku yimid sababo la xarrira cudurka safmarka ah ee Covid-19.

afhayeen u hadlay dowladda  uganda oo lagu magacaabo yusuf bilal Katamba ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadaan ay badali doonan ciidamo shaqadooda dhameystay oo ka mid ah ciidamada amisom gaar ahaana kuwa uganda ee ku sugan soomaaliya

waxaana uu afhayeenku tilmaamy in ciidamadaan ay muddo afar bil ah qaadan doonaan tababar ,kadibna ay ka qeyb qaadan doonaan dagaalka dagaalamayaasha Al-Shabaab.

dowladda uganda ayaa ka mid ah wadamada ay ciidamada ka joogaan soomaaliya ,waxaana lagu qiyaasaa ciidankeeda  in ay tira ahaan gaarayaan ilaa 6,000 oo askari kuwaas oo qeyb ka ah ciidamada amisom ee nabad ilaalinta ujooga soomaaliya

ciidamadaan loo soo dirayo gudaha soomaaliya ayaa waxa ay kusoo aadayaan xili ciidamada amisom ee jooga soomaaliya ay wajahayeen dagaalo ka dhan ah al-shabaab taas badalkeedana aysan jirin wax dagaal ah oo ay qaadeen islamarkaasna dhaleecaan kala duwan haatan la kulmayaan oo ku adan dagaalada lagu sugayo amaanka dalka

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here