Askari Ka Tirsan Ciidanka Dowladda Oo Goordhaw Lagu Dilay Muqdisho

0

wararka naga soo gaaraya degmada howlwadaag ayaa waxaa ay sheegayaan in askari ka tirsan ciidamada dowladda ay kooha beysan ku dileen goordhaweyd.

dilkaan ayaa waxa la sheegay in uu ka dhacay xaafad ka Tirsan  Degmada Howlwadaag gaar ahaana laanta hilaac oo ku taal agagaarka isgooska baar wax ee degmada howlwadaag

askariga La dilay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay in Macallin Cismaan Cabdikariin ,waxaana la tilmaamay in uu ka tirsanaa ciidanka milatariga soomaaliya.

kooxdii hubeysneyd ee dilka geysatay ayaa waxa la sheegay in dilka kadib ay goobta iskaga baxsadeen iyadoona la sheegay in qori uu watay askariga la dilay ay horay uga qaateen.

inta badan waxaa magaalada muqdisho ka dhaca dilal qorsheysan oo loo geeysto askarta ciidanka dowladda iyadoona dilal kooda ay inta badan dhabarka u ritaan dagaalamayaasha al-shabaab

walina majirto cida ilaa iyo hada sheegatay masuuliyada dilka askariga barqaniimadii maanta lagu dilay xaafad ka tirsan degmda howlwadaag

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here