Golaha Amaanka Ee Qaramada Midoobe Oo Cunaqabateyn Saaray Sadax Sarkaal Oo Ka Tirsan Al-Shabaab

0

Golaha amaanka ee qaramada midoobe ayaa si aqlabiyad ah u taageeray in xayiraad la saaro sadax xubnood oo ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab

Xubnahan al-shabaabka ah  ayaa waxa la sheegay in ay  kala yihiin  Abuukar Cali Aadan oo ah ku xigeenka hogaamiyaha al-shabaab,Macalin Ayman iyo Mahad Karataay.

Dowlada Soomaaliya oo kaa shaneysa dalka Mareykanka ayaa arintan ka dalbatay golaha amaanka

Talaabadan ayaa waxaa soo dhaweeyay wasaarada arimaha dibadda ee Mareykanka

Erica Barks-Ruggles  oo ah sarkaal sare oo ka tirsan xafiiska arimaha heyadaha caalamiga ee wasaarada arimaha dibadda Mareykanka ayaa arintan ku tilmaantay talaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka xasiloonida iyo nabadda Soomaaliya

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here