Golaha amaanka ee qaramada midoobe ayaa si aqlabiyad ah u taageeray in xayiraad la saaro sadax xubnood oo ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab
Xubnahan al-shabaabka ah ayaa waxa la sheegay in ay kala yihiin Abuukar Cali Aadan oo ah ku xigeenka hogaamiyaha al-shabaab,Macalin Ayman iyo Mahad Karataay.
Dowlada Soomaaliya oo kaa shaneysa dalka Mareykanka ayaa arintan ka dalbatay golaha amaanka
Talaabadan ayaa waxaa soo dhaweeyay wasaarada arimaha dibadda ee Mareykanka
Erica Barks-Ruggles oo ah sarkaal sare oo ka tirsan xafiiska arimaha heyadaha caalamiga ee wasaarada arimaha dibadda Mareykanka ayaa arintan ku tilmaantay talaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka xasiloonida iyo nabadda Soomaaliya

