Qaramadda Midoobay oo Waqtiga u Kordhisay Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

0

Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay Khamiistii in loo cusbooneysiiyo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), oo ah ciidan nabad ilaalin ah oo markii ugu horeysay la geeyay dalka 2007.

Sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay xarunta Qaramada Midoobay, dhamaan xubnaha UN-ka waxay si aqlabiyad leh ku ansixiyeen in waqtiga loo kordhiyo howlgalka dalka.

Howlgalka Midowga Afrika ee UN-ka u idmaday ee ku sugan #Soomaaliya wuxuu ka shaqeynayaa sidii loo dhisi lahaa awoodda ay Soomaaliya u leedahay nabadeeda iyo horumarkiisa, ”ayaa lagu yiri barta Twitter-ka.

AMISOM waa hawlgal taageero oo nabadeed iyadoo ku dhowaad 20,000 oo ciidammo ah ay ku sugan yihiin dhulka inta badanna ka socda Kenya, Itoobiya, Uganda, Burundi iyo Jabuuti

Zambia, Uganda, Ghana, Kenya, Nigeria iyo Sierra Leone ayaa ah lixda waddan ee booliska ku deeqay.

AMISOM ayaa ku sugan Soomaaliya iyagoo taageero siinaya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo la dagaalanka kooxda argagixisada ah ee al-Shabaab tan iyo Janaayo 19, 2007.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here