madaxweynayaasha maamulada puntland iyo jubbaland ayaa waxa lasoo sheegayaa in shuruudo cusub ay ku xireen ka qeyb galkooda shirka wadada tashiga ah ee uu madaxweyne farmaajo shirkaas oo ka dhacaya magaalada caasimada ah ee muqdisho.
warar hoose oo ay idaacada simba heshay ayaa waxa ay sheegayaan in madaxweynayaahsa maamulada puntland iyo jubbaland saciid dani iyo axmed madoobe ay dalbadeen in shirka ka furmaya muqdisho lagu qabto xerada xalane.
waxaana ay sidooakle sheegeen in amnigooda ay u baqayaan islamrkaasna aysan isku haleyn karin amniga magaalada caasimada ah ee muqdisho oo maalmahaan ay ka dhacayeen rabshado iyo shaqaaqooyin hoobiyo loogu dhuftay goroonka diyaaradaha muqdisho.
madaxweynayaasha maamulada puntland iyo jubbaland ayaa horay ugu baaqay in shirkaan lagu qabto muqdisho balse wararkii ugu dambeyay oo ay soo saareen ayaa waxa ay ku sheegeen in si dhaw ay ula socdaan xaalada amni iyo midda siyaasadeed ee ka socota muqdisho
sidookale waxa jira warar hoose oo sheegaya in madaxweynayaashu ay sheegeen in magaalada muqdisho aysan shir uga qeyb galikarin islamrkaasna uu baaqday safarkii ay ku imaan lahaayeen muqdisho sababtana ay ku sheegeen in amnigooda ay ubaqeen.

