Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa si kulul u cambaareeyay weeraradii ugu danbeeyay ee ay shabaab ka geysateen dalka Soomaaliya kuwaas oo ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan.
Bayaan ka soo baxay ururka iskaashiga islaamka ayaa lagu sheegay in ay tahay arrin fool xun falalka al-shabaab geysanayaan, iyadoo lagu jiro diyaar-gawroowga doorashooyinka guud ee Soomaaliya.
Ururka ayaa uga tacsiyeeyay dhammaan shacabka Soomaaliyeed dadkii ku dhintay weeraradii ugu danbeeyay, wuxuuna caafimaad u rajeeyay dadkii ku dhaawacmay.
Bayaanka ayaa lagu soo gabagabeeyay in Ururka Iskaashiga Islaamku garab taagan yahay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, sidoo kalena ku garab siinayaan sidii looga guuleysan lahaa dagaalamaasha al-shabaab .

