Wararka naga soo gaaraya degmada deyniile ee gobolka banaadir ayaa waxa ay kusoo waramayaan in saakay xaafda warlaliska ee gudaha degmada deyniile lagu arkay meyd sadax qofood oo aan la garaneyn cida dishay
dadka degmada ayaa saakay aroorti waxa ay sheegeen in ay kusoo tooseen meyd sadax qofood oo dumara kuwaas oo meyd koodu yaalay wada.
warar ayaa waxa ay sheegayaan in meydka gabdhaha ee lagu arkay degmada deyniile ay jirkooda ka muuqatay jir dil iyo rasaas fara badan
lama oga sababta rasmiga ah ee loo dilay sadax daan qofood ee dumarka ah balse warar hoose ayaa waxa ay sheegayaan in gabdhahaani ay ahaayeen shaqaale ka tirsanaa dowladda gaar ahaana wasaarada gaashaandhiga ee xukuumada soomaaliya
majirto wax faahfaahin ah oo maamulka degmada deyniile uu ka bixiyay meydadka sadax qofood ee lagu arkay gudaha degmada,waxaana qaarka mid ah maamulka degmada deyniile oo dhacdadaani ka dhacday uu sheegay in aysan garaneyn cida falkaani geysatay
sadaxdaan qofood ee dumarka ah oo meydkooda lagu arkay ayaa dilkooda waxa uu kusoo aadaya mudooyinkii dambe ay soo badanayeen dilal xilyada habeenkii ah ay geeystaan kooxaha hubeysan oo aan heybtooda la garaneyn
habeen ka hor ayay aheyd markii maydka 4 qofood rag ah oo tooreey lagu dilay lagu arkay deegaanka ceelashabiyaha ee duleedka magaalada muqdisho
waxaana kasii horeyay in meydka nin ku shaqeysta gawaarida raaxada lasoo dhigay islamrkaasna lagu halka loo yaqaan igadagey oo ka tirsan degmda deyniile

